Tababaraha Real Madrid Ancelotti oo amaanay 2-gool Vinicius Jr u dhaliyay kooxda

Real Madrid tababaraheeda Carlo Ancelotti ayaa ku farxay labada gool ee Vinicius Junior ay 3-3 la galeen kooxdaLevante.

Vinicius ayaa dhaliyay laba gool xilli dambe si uu uga caawiyo inay helaan dhibcaha Real.

Ancelotti ayaa yiri, “Vinicius Jr. wuxuu leeyahay tayo waana mid deg deg ah. Ma yahay gooldhaliye weyn? Ma aqaan taas, maxaa yeelay wuxuu ku raaxeystaa ka ciyaarista bannaanka. Wuxuu u baahan yahay inuu dhaliyo goolal sida kii ugu horreeyay ee uu helay, maxaa yeelay wuu ka dheereeya kuwa ka soo horjeeda. Way ku adag tahay isaga marka uu ku jiro sanduuqa, laakiin marka la eego tayadiisa, wuxuu awood u leeyahay inuu goolal ka dhaliyo xarriiqooyinka.

“Waxa uu noo noqon doonaa mid muhiim ah. Waxaa laga yaabaa inuu ku soo bilowdo kulanka isbuuca soo socda, waa inaan aragnaa.

Wuxuu raaciyay: “Vinicius Jr. wuxuu dhaliyay seddex gool laba kulan waana taas calaamad u ah ciyaaryahan dhab ahaantii muhiim ah. Muhiimad badan ma siinayo qofka ku soo bilowda sababtoo ah waxaan haystaa koox fiican. Waxaan dhalinay goolal badan labadan kulan ee hore. Dhibaatadu ma aha in Vinicius Jr uu bilawday iyo in kale, walaaca ayaa ah haddii uusan gool dhalin laakiin uu maanta helay laba gool. ”

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE