Antonio Conte oo durba kasoo Muuqday Liiska Macalimiinta Badalaya Badalaya Mikel Arteta

Tababarihii hore ee Inter iyo Juventus Antonio Conte ayaa lagu soo waramayaa inuu ka mid yahay musharixiinta bedeli doona Mikel Arteta haddii Arsenal ceyriso.

Sida laga soo xigtay The Telegraph, tababaraha reer Spain wuxuu heystaa shan kulan oo uu Gunners si guulo u gaaro ama loo Ceyriyo.

Gunners ayaa xilli ciyaareedkan si adag ku bilaabatay iyadoo laba guuldaro la kulantay labadii kulan ee furitaanka Premier League.

Sida laga soo xigtay wargayska, Conte waa mid ka mid ah musharraxiinta ay guddiga Arsenal tixgelinayaan haddii Arteta uu wajaho cayrin.

Tababaraha reer Talyaani ayaa ka tagay Inter kadib laba xilli ciyaareed oo uu kooxda joogay. Wuxuu ku guuleystay Scudetto ololihii 2020-21, lakin Xaalada Dhaqaale ee kooxda ayaa keentay in uu ka tago.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE