Barcelona oo sare u qaaday qiimaha Xidiga Ilaix oo diirada u saaran Man City, Chelsea

Barcelona ayaa sare u qaaday qiimaha ay ku doonayso Ilaix Moriba.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa qandaraaskiisu dhacayaa sannad gudaheed ilaa iyo haddana wuxuu diidan yahay inuu tixgeliyo shuruudo cusub.

Barca ayaa diyaar u ah inay iska iibiso Ilaix bishaan waxayna xiiso ka heleysaa Manchester City iyo Chelsea . Si kastaba ha ahaatee, waa kaliya RB Leipzig oo ilaa hadda dalab adag ka gudbisay.

Dalabka RBL ayaa ahaa € 8m, kaasi oo la diiday

Taas bedelkeeda, Barca ayaa dalbaneysa € 20m si ay u iibiso Ilaix, kaasoo heshiiska uu ku jiro qandaraas lagu iibsan karo 25m. Waxay markii hore 18-jirkan ka raadinayeen € 15m.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE