Wararka Suuqa kala iibsiga Caawa: Heshiiska Manchester City ee Harry Kane, Xaalka Jesus Corona ee Ac Milan iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Weeraryahanka RB Leipzig Alexander Sorloth ayaa qarka u saaran inuu ku biiro Real Sociedad, Bild ayaa warinaysa . 

Roma ayaa ku soo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa xiddiga qadka dhexe ee Borussia Monchengladbach Denis Zakaria – sida uu ku warramayo Calcio Mercato.

Wakiillada Donny van de Beek ayaa iska diiday wax kasta oo xiiso u ahaa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United. sida laga soo xigtay The Times.

Nekoo Williams ayaa Xagaagan ku dhow in uu ka dhaqaaqo Kooxda Liverpool. Sida ay qortay Liverpool Echo.

Tottenham iyo Juventus ayaan wax dan ah ka lahayn inay sameeyaan heshiis isdhaafsi oo ku aadan Weston McKennie iyo Moussa Sissoko sida uu sheegay Fabrizio Romano .

Milan ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo xiddiga kooxda Porto Jesus Corona, sida ay ku warrameyso Calcio Mercato .

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Lille Jonathan Bamba ayaa xiiseynaya West Ham, sida ay qortay The Express .

Xiddiga qadka dhexe ee Manchester City Bernardo Silva ayaan qarka u saarnayn inuu u dhaqaaqo Milan, sida ay Xaqiijisay  Goal. 

Manchester City ayaa diyaarineysa hal dalab oo kama dambeys ah oo ay ku dooneyso weeraryahanka Tottenham Harry Kane, sida ay qortay The Irish Independent.

Arsenal ayaa weli xiiseyneysa Kieran Trippier, sida ay qortay The Sun , laakiin waxay u baahan doontaa in hoos loo dhigo qiimaha uu dalbaday si heshiis loo gaaro.

Manchester United ayaa durba dib u soo celisay dalabkii West Ham ee Jesse Lingard, sida ay sheegtay ESPN .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE