Florentino Perez: ‘Paris Saint-Germain waxay jawaab kulul naga siisay dalabkii Kylian Mbappe’

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa sheegay in Paris Saint-Germain ay soo saartay jawaab ‘qallafsan’ oo ku aadan dalabka kooxda reer Spain ee Kylian Mbappe .

Xiddiga reer France ayaa u sheegay PSG inuu doonayo inuu ka tago kooxda ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga, waxaana Los Blancos la rumeysan yahay inay dalab dhan 137 milyan oo ginni ku dalbatay adeegiisa.

Perez ayaa daaha ka qaaday in kooxda Ligue 1 ay si xushmad darro ah ugu jawaabtay markii dalabka la soo bandhigay, iyadoo PSG la rumeysan yahay inay ku dooneyso lacag aad uga badan tan la sheegay in miiska la saaray.

[PSG] mar hore ayay u jawaabeen oo si edebdarro ah,” ayuu Perez u sheegay saxafiga reer Spain ee Jose Manuel Moreno .

Mbappe ayaa dhaliyay 133 gool waxaana u diiwaan gashanaa 63 caawin 174 kulan oo uu u saftay PSG tan iyo markii uu kaga soo dhaqaaqay Monaco, markii hore amaah ahaan, xagaagii 2017.

22 jirkaan ayaa qandaraaskiisa haatan ee Parc des Princes wuxuu dhacayaa bisha June ee soo socota, taasoo la micno ah inuu xor u noqon doono inuu wada xaajood hordhac ah la galo kooxaha ajaanibta bisha Janaayo 2022 haddii uu sii joogo Paris wixii ka dambeeya waqtiga loo qabtay.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE