War Xiiso Leh: Harry Kane oo ku dhawaaqay go’ankiisa Xili Ciyaareedkan iyo Kooxda uu joogayo

Harry Kane ayaa xaqiijiyay inuu sii joogi doono Tottenham xagaagan.

“Waxay ahayd wax cajiib ah inaan arko soo dhaweynta taageerayaasha Spurs axadii iyo inaan akhriyo qaar ka mid ah farriimaha taageerada ee aan helay dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay. 

Waxaan sii joogi doonaa Tottenham xagaagan waxaana 100% diiradda saari doonaa sidii aan kooxda uga caawin lahaa inay guul gaarto.’Kane ayaa ku xaqiijiyay baraha bulshada.

Xidiga ayaa ku biira lahaa kooxda Manchester City lakin maamulka Tottenham ayaa go’aankaasi kasoo horjeestay.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray


Source: laacibfm

SHARE