Wararka Suuqa kala iibsiga Caawa: Jawaabta Manchester City ee Cristiano Ronaldo, Kylian Mbappe oo ku Wajahan Real Madrid, Sheekada Harry kane iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa ku heshiiyay heshiis ku saabsan dahabka reer Catalonia ee Ilaix Moriba, sidaas waxaa  qortay Sport . 

Manchester City ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo Cristiano Ronaldo ka dib go’aankii Harry Kane ee ahaa inuu sii joogo Tottenham, sida ay qortay  ESPN . 

Dhanka kale Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay u badan tahay inay ku sii adkeysato dooqyadoodii weerarka ee ololaha 2021-22, iyadoo aragtay raacdadii Tottenham Hotspur ee Harry Kane iyagoo ku hungoobay xidigan isla markana dhanka kale lagu xamanayo . Daily Mail

Ole Gunnar Solskjaer ayaa soo jeediyay in Manchester United ay u badan tahay in aysan samayn wax dheeraad ah suuqa kala iibsiga xagaaga inkasta oo uu qirtay in wax walbo dhici karaan”. Wareysi uu siiyay  VG,

Agaasimaha ciyaaraha ee Paris Saint-Germain Leonardo ayaa ku adkeystay in Kylian Mbappe uu u ballan qaaday kooxda inuusan si xor ah uga tagi doonin. Goal

Kylian Mbappe ayaa doonaya in uu ka tago kooxda PSG sida uu shaaca ka qaaday Leonardo oo la hadlay RMC Sport 

Inter ayaa aad u dooneysa saxiixa weeraryahanka Sassuolo Gianluca Scamacca, sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Harry Kane ayaan u dhaqaaqi doonin Manchester City xagaagan, iyadoo ciyaaryahanka laftiisa uu baraha bulshada ku sheegay inuu la sii joogi doono Spurs.

Manchester United waa inay iska iibisaa dhowr xiddig oo kooxda koowaad ah ka hor inta aysan suuqa kala soo wareegin xidig kale xagaagan – sida laga soo xigtay ESPN .

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa sheegay in Paris Saint-Germain ay soo saartay jawaab ‘qallafsan’ oo ku aadan dalabka kooxda reer Spain ee Kylian Mbappe .Perez ayaa u sheegay saxafiga reer Spain ee Jose Manuel Moreno .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE