Juventus: Liiska saddexda Xidig ee u sharaxan bedelka Cristiano Ronaldo

Iyadoo Manchester City aysan diyaar u ahayn inay iibiso Gabriel Jesus, Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay tixgelinayso Mauro Icardi, Moise Kean iyo Luka Jovic si ay ugu bedesho Cristiano Ronaldo.

Xiddiga reer Portugal ayaa wadahadalo kula jira Manchester City wakiilkiisa Jorge Mendes ayaa Arbacadii gaaray Turin si uu ula kulmo macmiilkiisa.

Ku biiritaankiisa Etihad Stadium ayaa weli ah mid adag maadaama kooxaha Premier League aysan dooneyn inay bixiyaan wax lacag ah si ay ula soo saxiixdaan xiddigii hore ee Manchester United iyo Real Madrid, halka Juventus ay dooneyso ugu yaraan 25m.

Ronaldo ayaa doonaya inuu ka tago Juventus, Marwada Duqda ahna waxay ka fekereysaa qaar ka mid ah kuwa beddeli kara 36 jirka.

Gabriel Jesus ayaa ah bartilmaameedka ugu sarreeya Bianconeri, laakiin Manchester City ma rabto inay iska iibiso xiddiga reer Brazil, sida laga soo xigtay La Gazzetta dello Sport, sida Mauro Icardi, Moise Kean iyo Luka Jovic ayaa ku jira radarada Juventus.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE