Liiska: Xulka Portugal ee Isreeb-reebka Koobka Aduunka oo lagu dhawaaqay, Ronaldo oo Hogaaminaya

Xulka qaranka Portugal ee ka qayb-gelaya kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka ee horraanta bisha September ee foodda inagu soo haysa ayaa la soo saaray, waxaana uu tababare Fernando Santos uu go’aan ka qaatay xiddiga qarankiisa ahna kabtanka ee Cristiano Ronaldo.

Fernando Santos ayaa shaaciyey 25 ciyaaroy oo uu u xushay kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka oo ay Ireland fooda isku dari doonaan Estadio Algarve marka ay taariikhda tahay September 1, waxaana ugu xigaysa ciyaar saaxiibtinimo oo ay kula ballansan yihiin Qatar ka hor inta aanay ciyaar labaad oo isreeb-reebka Koobka adduunka ah safar ugu tegin Azerbaijan.

Liiska Xulka Portugal

Goolhayeyaal: Anthony Lopes (Lyon), Diogo Costa (Porto), Rui Patrício (Roma).

Difaaca: João Cancelo (Manchester City), Ricardo Pereira (Leicester), Domingos Duarte (Granada), Gonçalo Inácio (Sporting Lisbon), Pepe (Porto), Rúben Dias (Manchester City), Nuno Mendes (Sporting Lisbon), Raphael Guerreiro (Borussia Dortmund), Danilo (PSG).

Khadka dhexe: João Palhinha (Sporting Lisbon), Rúben Neves (Wolves), Bruno Fernandes (Manchester United), João Mário (Porto), João Moutinho (Wolves), Octávio (Porto), Bernardo Silva (Manchester City), André Silva (Leipzig).

Weerarka: Cristiano Ronaldo (Juventus), Diogo Jota (Liverpool), Gonçalo Guedes (Valencia), Pedro Gonçalves (Sporting Lisbon) Rafa (Benfica).

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE