Wararka Suuqa Kala Iibsiga Caawa: Heshiis Dhexmaray Cristiano Ronaldo iyo Manchester City, Dalab Cusub oo laga gudbinayo Kylian Mbappe, Xaalka Harry Kane, iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Real Madrid ayaa hagaajisay dalabkii ay u soo bandhigtay xiddiga Paris Saint-Germain Kylian Mbappe, Kooxda reer Spain ayaa haatan dalabka ka dhigtay £ 145.6m, ka dib markii ay arkeen dalab hore oo ahaa £ 137m oo la diiday Arbacadii.sida ay qortay  Sky Sports . 

Daafaca dambeedka midig ee Real Madrid Alvaro Odriozola ayaa u muuqda mid amaah ugu dhaqaaqi doona Fiorentina iyadoo Los Blancos ay isku shaandheyn ku sameyneyso kooxdeeda. Goal

Manchester City ayaa wadahadalo la gashay Cristiano Ronaldo si ay ugala soo wareegto kooxda Juventus. Sida ay Xaqiijisay Goal.

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inaysan waligeed u arkin Kylian Mbappe inuu yahay bartilmaameed dhab ah oo suuqa kala iibsiga, maadaama ay city rumeysan yihiin in Paris Saint-Germain ay aad u dooneyso xidigan. sida laga soo xigtay The Athletic 

Bayern Munich ayaa go’aamisay inaysan la soo saxiixan xiddiga reer England ee U17 Emran Soglo. Bild

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay safka hore ugu jirto Ilaix Moriba haddii uu da ’ yarku ku guuldareysto inuu heshiis cusub u saxiixo Barcelona . Sida laga soo xigtay Sport

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay kooxda keento xiddig cusub oo khadka dhexe ah ka hor inta uuna suuqu xirmin xagaagan Declan Rice ayaana Liiska ku jira sida laga soo xigtay The Independen

Manchester City ayaa aad u xiiseyneysa inay la soo wareegto Cristiano Ronaldo laakiin waa haddii ay ku heli karaan beeca xorta ah, sidaas waxaa  qortay Corriere dello Sport .

Tottenham ayaa wadahadalo kula jirta Weston McKennie oo ay kala soo wareegeyso Juventus, sidaas waxaa qortay The Independent .

Genoa waxay ku dhowdahay inay M’Bala Nzola kala soo wareegto Spezia, sida ay sheegtay  Sky Sport  ee Talyaaniga.

Paris Saint-Germain ayaa diiday inay Kylian Mbappe ku fasaxdo wax ka yar million 220 milyan (£ 188m/$ 259m), Le Parisien ayaa werisay .

Atletico Madrid ma xiiseyneyso inay u dhaqaaqdo xiddiga PSG Pablo Sarabia, laakiin ciyaaryahanka ayaa loo soo bandhigay Milan, sidaas waxaa yiri Matteo Moretto oo ka tirsan Sky Sport .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE