Wararka Suuqa kala iibsiga Maanta: PSG oo soo bandhigtay Lacagta ay ku dooneyso Kylian Mbappe, Wakiilka Ronaldo oo War Cusub Sheegay iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Paris St-Germain ayaa ka doonaysa Real Madrid 220m euros (£ 188m) si ay u hesho 22 jirka weerarka uga ciyaara France Kylian Mbappe. (Le Parisien)

Manchester City ayaan meesha ka saarin inay la soo saxiixato weeraryahanka Juventus iyo Portugal Cristiano Ronaldo, oo 36 jir ah, ka dib markii kabtanka England Harry Kane uu mustaqbalkiisa dhow u hibeeyay Tottenham. (ESPN)

Wakiilka Ronaldo Jorge Mendes ayaa sheegay inuu aad u doonayo inuu ka tago kooxda ka dhisan Turin, wuxuuna raadinayay koox dooneysa inay 25 milyan oo ginni ku iibiso 36 jirkaan isla markaana qaadato mushaarkiisa, taasoo ay City diyaar u tahay inay sameyso. .(Sky Sports)

Dhanka kale, Kane ayaa ka xanaaqsan in guddoomiyaha Tottenham Daniel Levy uusan ogolaan doonin iibintiisa, 28 jirkaan ayaana laga yaabaa inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxda oo ay ku jirto lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa. (Telegraph)

Chelsea ayaa lagu qiimeeyay inay u dhaqaaqdo weeraryahanka reer Norway iyo kooxda Borussia Dortmund Erling Haaland xagaagan iyadoo wakiilkiisa Mino Raiola uu dalbaday lacago aad u badan iyo sidoo kale mushaharka rikoorka Premier League ee 21 jirkaan oo ah £ 275m.(dailystar)

Pep Guardiola ayaa ka tagi doona Manchester City marka uu dhamaado heshiiskiisa kadib xilli ciyaareedka 2022-23 wuxuuna ka nasan doonaa kubadda cagta ka hor inta uusan noqon tababaraha xulka qaranka. (Manchester evening news)

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaan halis ugu jirin in uu waayi doono shaqadiisa inkasta oo ay Gunners si xun ku bilaabatay horyaalka premier League. Tababarihii hore ee Chelsea Antonio Conte ayaa lala xiriiriyay inuu bedeli doono. (indepedent)

Liverpool ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo garabka Sevilla Lucas Ocampos inkastoo ay Wolves xiiseyneyso xiddiga reer Argentina oo 27 jir ah.(dailystar)

Tababaraha kooxda Roma Jose Mourinho ayaa qorsheynaya inuu 13.5 milyan oo ginni ku dalbado ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Ruben Loftus-Cheek. 25 jirkaan ayaa muddo kooban la soo shaqeeyay Mourinho intii uu tababaraha reer Portugal joogay Blues. (dailymail)

Manchester United ma awoodi doonto inay dalbato midkood xiddiga qadka dhexe ee reer Rennes Eduardo Camavinga, oo 18 jir ah, ama qadka dhexe ee Atletico Madrid iyo Spain Saul Niguez, oo 26 jir ah, haddii aysan iibin ciyaartoy si ay dhaqaale u ururiyaan. (ESPN)

Chelsea ayaa loo malaynayaa inay ugu cad -cad tahay inay la soo wareegto Niguez, iyadoo Atletico ay u furan tahay inay iibiso xiddiga heerka caalami ee dalka Spain. (Express)

Kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa labaduba muujiyay xiisaha ay u qabaan saxiixa xiddiga qadka dhexe ee kooxda Manchester City Bernardo Silva xagaagan. Labada naadi ayaa la sheegay inay doorbidaan heshiis amaah ah 27 jirkaan (90Min)

Sevilla ayaa sheegtay inay iska diiday dalab uga yimid Chelsea oo ku aadanaa 22 jirka daafaca reer France Jules Kounde isla markaana aysan u baahnayn inay iibiyaan ciyaartoy. (Goal)

Chelsea iyo RB Leipzig ayaa suuragal ah inay u dhaqaaqaan xiddiga qadka dhexe ee Barcelona Ilaix Moriba haddii 18 jirka reer Guinea uusan cusbooneysiin qandaraaska uu kula jiro kooxda ka dhisan La Liga. (Mundo Deportiv- Isbaanish)

Xiddiga garabka uga ciyaara Arsenal iyo Brazil Willian, oo 33 jir ah, ayaa isku dayaya inuu u dhaqaaqo kooxda Corinthians. (thesun)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Barcelona iyo xulka Spain Sergio Busquets ayaa ogolaaday in la dhimo mushaarkiisa iyo dib u dhigista mushaarka si ay kooxda reer Spain u caawiso dhimista biilka mushaharka. (ESPN)

Ciyaaryahankii hore ee Arsenal iyo England Jack Wilshere, oo 29 jir ah, ayaa sheegay inuu ka fikirayo inuu ciyaaraha ka fariisto ka dib markii uusan helin wax dalab ah ka dib markii ay fasaxday kooxda heerka labaad ee Bournemouth. (theathletic)

Wolves ayaa dooneysa inay ku soo biirto loolanka loogu jiro saxiixa daafaca Lille iyo Netherlands Sven Botman, oo 21 jir ah, iyadoo ciyaaryahanka lala xiriirinayay Tottenham iyo Liverpool ah. (HITC)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE