Hordhac: Kulanka Adag Manchester City Vs Arsenal ee Horyaalka Premier League, Shaxda iyo Xidigaha Dhaawaca ah

Kooxda Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad Stadium ku soo dhaweeneysa kooxda Xaalka ku xunyahay ee Arsenal kulan ka tirsan Horyaalka Premier League, Gunners waxaa iskugu aaday kulamo adag oo ka hor imaaneyso kooxaha waaweyn.

Wararka Labada Kooxood

Manchester City

Manchester City waxaa ka maqnaan doona xiddiga reer England Phil Foden iyo xiddiga qadka dhexe ee reer Belgium Kevin De Bruyne , iyadoo labada ciyaaryahan ay dhaawacyo qabaan. Marka laga reebo taas ma jiraan arrimo la og yahay waxaana la filayaa in tababare Pep Guardiola uu helo koox taam ah oo uu haysto.

Dhaawac: Phil Foden, Kevin De Bruyne

Arsenal

Dhanka kale, tababaraha Arsenal Mikel Arteta ma awoodi doono inuu u yeero adeega weeraryahanka da’da yar Eddie Nketiah, halka uu jiro shaki ku saabsan helitaanka daafaca dhexe ee reer Brazil Gabriel Magalhaes, qadka dhexe ee reer Ghana Thomas Partey, daafaca midig ee Spain Hector Bellerin, goolhayaha Iceland Runar Alex Runarsson, rugcadaaga reer Brazil ee Willian, daafaca bidix ee reer Scotland Kieran Tierney, weeraryahanka boosaska badan ee Bukayo Saka iyo daafaca dhexe Ben White.

Dhaawacmay: Eddie Nketiah

Shaki: Ben White, Gabriel Magalhaes, Runar Alex Runarsson, Willian, Hector Bellerin, Thomas Partey, Kieran Tierney, Bukayo Saka.

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

37 kulan oo dhex maray labada kooxood, Manchester City ayaa leh guulaha ugu badan. Waxay badiyeen 19 kulan, 11 guuldaro iyo 7 barbaro.

Labada kooxood ayaa kulankii ugu danbeeyay iskaga horyimid horaantii sanadkaan horyaalka Ingiriiska, iyadoo Manchester City ay 1-0 ku garaacday Arsenal.

Gool qeybtii hore ee bilowga ah oo uu dhaliyay xiddiga reer England Raheem Sterling ayaa guusha u xaqiijiyay Manchester City.

Shaxda Macquulka ee kulanka

Manchester City XI (4-3-3): Ederson Moraes, Kyle Walker, Ruben Dias, Aymeric Laporte, Joao Cancelo, Bernardo Silva, Rodri, Jack Grealish, Gabriel Jesus, Ferran Torres, Raheem Sterling

Arsenal (4-2-3-1): Bernd Leno , Calum Chambers, Rob Holding, Pablo Mari, Nuno Tavares, Albert Sambi Lokonga, Granit Xhaka, Nicolas Pepe, Martin Odegaard, Pierre-Emerick Aubameyang, Alexandre Lacazette.

Manchester City Vs Arsenal

Tartanka Premier League

Saacada 14:30 pm Somaliya, Europe 13:30 pm

Garoonka Etihad Staduim

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE