Hordhac: Kulanka Juventus Vs Empoli ee Horyaalka Serie A Italy, Shaxda iyo Dhaawacyada jira

Kooxda Juventus ayaa Kulankeeda labaad ee Horyaalka talyaaniga waxay Garoonkeeda Allianz Stadium kula Ciyaareysaa Kooxda Empoli, Juve ayaa Garoonka soo galeysa iyadoo uu ka Maqanyahay Xidigeeda Ronaldo oo ku biiray Manchester United.

Wararka Labada Kooxood

Juventus FC

Adrien Rabiot, Arthur iyo Aaron Ramsey ayaa dhamaantood dhaawac ku maqan. Saio cusub Kaio Jorge sidoo kale lama heli karo.

Weston McKinnie ayaa ka soo laabanaya ganaax, laakiin Manuel Locatelli ayay u badan tahay in la doorbido.

Dhaawac : Adrien Rabiot, Arthur, Aaron Ramsey, Kaio Jorge.

Kooxda Empoli FC

Aurelio Andreazzoli kaliya wuxuu haystaa Fabiano Parisi oo dhaawac ah. Kooxda ayaa si amaah ah ugala soo wareegtay Andrea Pinamonti kooxda Inter Milan, si uu ugu biiro Patrick Cutrone afka hore.

Dhaawac : Fabiano Parisi.

Shaxda Macquulka ee Labada Kooxood

Juventus FC (4-4-2) : Wojceich Szczesny (GK); Danilo, Matthijs de Ligt, Leonardo Bonucci, Alex Sandro; Juan Cuadrado; Rodrigo Bentancur, Manuel Locatelli, Federico Bernadeschi; Alvaro Morata, Paulo Dybala.

Kooxda Empoli FC XI (4-3-2-1) : Guglielmo Vicario (GK); Petar Stojanovic, Ardian Ismajili, Simone Romagnoli, Riccardo Marchizza; Samuele Ricci, Liam Henderson, Filippo Bandinelli; Nedim Bajrami, Andrea Pinamonti; Patrick Cutrone.

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

Juventus ayaa wajahday Empoli sideed jeer tan iyo 2010 waxayna badisay dhamaan kulamadaas.

Safarkii ugu dambeeyay ee Empoli ay ku tagto Turin ayaa yimid xilli ciyaareedkii 2018-19, iyadoo Bianconeri ay 1-0 ku badisay bishii Maarso.

Juventus Vs Empoli

Tartanka Serie A

Saacada 21:45 Pm Somalia, Europe 20:45 Pm

Garoonka Allianz Stadium

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE