Hordhac: Kulanka Real Betis Vs Real Madrid ee Horyaalka Laliga Spain, Shaxda iyo Xidigaha dhaawaca ah

Kooxda Real Betis ayaa garoonkeeda Benito Villamarin ku soo dhaweeneysa kooxda Real Madrid kulan ka tirsan Horyaalka La Liga Spain, Real Madrid ayaa kulankaan ciyaareysa iyadoo lugtii hore lagu qabtay bar-baro.

Wararka Labada Kooxood

Real Betis

Youssouf Sabaly iyo Diego Lainez ayaa haatan dhaawac ah mana awoodi doonaan inay qeyb ka qaataan kulankaan. Alex Moreno ayaa sidoo kale qaba dhaawac waxaana laga yaabaa inuusan diyaar u ahayn xulashada.

Dhaawac: Diego Lainez, Youssouf Sabaly

Shaki: Alex Moreno

Real Madrid

Iyadoo Luka Modric iyo Toni Kroos labaduba ay dhaawacan yihiin, sida Federico Valverde iyo Isco waa inay ku soo biiraan qadka dhexe. Ferland Mendy ayaa sidoo kale la dhibtoonaya taam ahaanshihiisa waxaana laga saaray kulankaan.

Dhaawac: Luka Modric, Toni Kroos, Ferland Mendy, Dani Ceballos.

Shaxda Macquulka ee Labada Kooxood.

Real Betis XI (4-2-3-1): Rui Silva; Juan Miranda, Victor Ruiz, Marc Bartra, Martin Montoya; Guido Rodriguez, Andres Guardado; Sergio Canales, Juanmi, Nabil Fekir; Borja Iglesias

Real Madrid (4-3-3): Thibaut Courtois; Dani Carvajal, Eder Militao, David Alaba, Marcelo; Casemiro, Federico Valverde, Isco; Vinicius Junior, Gareth Bale, Karim Benzema.

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood 

Real Madrid ayaa rikoor feecan ka heysata Real Betis waxaana ay badisay 23 ka mid ah 41 kulan oo ay wada ciyaareen labada kooxood.

Real Betis ayaa kaliya 7 jeer ka badisay Real Madrid 41 kulan ay wada kulmeen.

Kulankii hore ee labada kooxood ayaa dhacay bishii April ee sanadkan wuxuuna ku soo dhamaaday 0-0.

Real Betis Vs Real Madrid

Tartanka La Liga Spain

Saacada 23:00 pm Somalia, Europe 22:00 pm

Garoonka Estadio Benito Villamarin

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE