Madaxweynaha Paris Saint-Germain: oo ka hadlay hadii ay ku jiraan Tartanka Cristiano Ronaldo

Madaxweynaha kooxda Paris Saint-Germain Nasser Al Khelaifi ayaa ku adkeystay in kooxdiisu aysan u dhaqaaqi doonin Cristiano Ronaldo .

Xiddiga reer Portugal ayaa ku riixaya inuu ka tago Juventus ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaagan, waxaana la sheegay in Manchester City ay ku jirto booska weeraryahankii hore ee Manchester United.

PSG ayaa sidoo kale lagu tiriyaa inay xiiseyneyso, iyadoo wararku ay sheegayaan in kooxda reer France ay dooneysay inay la saxiixato Ronaldo si uu uga garab ciyaaro Lionel Messi , kaasoo si xor ah uga soo dhaqaaqay Barcelona oo uu ka tagay Barcelona.

Si kastaba ha ahaatee, Al Khelaifi ayaa sheegay in kooxdiisa aysan ku jirin tartanka loogu jiro da’yarkii hore ee Sporting Lisbon.

“Saxiixidda Cristiano Ronaldo xitaa dood ma aha,” ayuu Al Khelaifi u sheegay beIN Sports .

36 jirkaan, oo la rumeysan yahay inuu durba heshiis shaqsi ah la gaaray Man City, ayaa dhaliyay 101 gool 134 kulan oo uu u saftay Juventus, laakiin qandaraaskiisa Turin ayaa dhacaya bisha June ee soo socota.

Dhanka kale PSG ayaa la sheegay inay dalab cusub oo horumarineed ka heshay Real Madrid oo ku aadan Kylian Mbappe .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE