Miyuu Cristiano Ronaldo wali Numberka 7aad ka qaadan karaa Manchester United

Cristiano Ronaldo ayaa wali ka qaadan kara maaliyada No 7 ee Manchester United ka dib markii la xaqiijiyay soo laabashadiisa cajiibka ah ee kooxda, iyadoo ay jirto rajo ah in uu heli karo Numberkan.

Kadib 24 saac oo duufaan ah oo uu 36 jirka u muuqday inuu ku biirayo kooxda ay sida weyn u xifaaltamaan ee Man City, Ronaldo ayaa bedelkii ku soo laabtay Old Trafford iyadoo Red Devils ay xaqiijisay heshiiska cajiibka ah ee 21.4 milyan oo ginni galabnimadii Jimcaha.

Ku soo laabashadii Old Trafford ee xidiga reer Portugal ayaa si weyn u xoojinaysa Ole Gunnar Solskjaer, kaasoo ka adeegtay suuqa xagaagan isagoo durba lasoo wareegay Jadon Sancho iyo Raphael Varane lacag dhan 115.5 milyan oo ginni.

Ronaldo ayaa u soo ciyaaray Manchester intii u dhaxeysay 2003 ilaa 2009, isagoo u dhaliyay Red Devils 118 gool 292 kulan ka hor inta uusan £ 80m ugu biirin Real Madrid.

Laacibka reer Portugal ayaa xirnaa funaanadda caanka ah ee No 7 ee naadiga, isla lambarka ay xirtaan halyeeyada kooxda sida George Best, Eric Cantona iyo David Beckham.

Si kastaba ha ahaatee, The Sun ayaa warinaysa in daldalooladu ay u oggolaan karto Ronaldo inuu mar kale helo maaliyaddiisii ​​hore, maadaama Cavani uusan weli u safan Man United xilli ciyaareedkan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE