Rasmi: Cristiano Ronaldo oo ku dhow in uu ku biiro Kooxda Manchester United (Maxay Warbaahinta ka Qortay Maanta)

Cristiano Ronaldo ayaa ku dhow ku biiro Kooxda Manchester United iyadoo Sheekada ku aadan Red Devils ay soo baxday Maanta hadaba waxaan dib u eegeynaa wararka laga qoray Ronaldo iyo ku biirista Manchester United.

Manchester United ayaa u soo bandhigtay Cristiano Ronaldo lacag dhan 28 milyan oo euro heshiiskiisuna wuxuu ku dhow yahay in la dhammeeyo, sida uu warinayo Romeo Agresti.

Romano: Jorge Mendes ayaa hadda helay soo jeedin qandaraas rasmi ah oo ay Manchester United ku doonayso Cristiano Ronaldo. Soo laabashadu aad bay u dhowdahay.

Cristiano ayaa doonaya inuu dib ugu biiro Man United. Wuxuu diyaar u yahay inuu aqbalo “sida ugu dhaqsaha badan”

Manchester United ayaa qorsheyneysa inay tijaabada caafimaadka ee Cristiano Ronaldo kula sameyso Lisbon ka hor inta aysan dib ula soo saxiixan xidigan

Di Marzio: Man Utd ayaa Ronaldo u soo bandhigtay qandaraas labo sano ah 

Cristiano Ronaldo ayaa helaya dalabka qandaraaska Manchester United ka dib wadahadal uu la yeeshay Sir Alex Ferguson

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE