Rio Ferdinand oo ka hadlay in Cristiano Ronaldo ku soo laabto Manchester United iyo Dareenkiisa ku aadan arintan

Daaficii hore ee Manchester United Rio Ferdinand ayaa hada ku soo biiray sheekada ku aadan Xaqiijinta in Ronaldo uu ku soo  laabanayo Old Trafford.

Xidigan ayaa bartiisa Twitter-ka ku Xaqiijiyay in Ronaldo uu ku soo laabanayo Kooxda waxana uu dhanka kale sheegay in arintaasi uu jeclaan lahaa.

Wararka hada ay heleyso warbaahinta ayaa sheegaya in Xidigo kamid ah Kooxda Manchester United gaar ahaan kuwii hore ee kaalin ka qaateen in Ronaldo uu diido heshiiska City kuna biiro Kooxda Manchester United.

Saacadaha nagu soo wajahan ayaa lagu dhawaaqi karaa Halka ay u dhaceyso Xaalada Ronaldo iyadoo Loo badinayo in uu ku biiri karo Kooxda Manchester United.

Cr7 Qudhiisa ayaa doonaya ku biirista Manchester United madama uu Halkaasi ku leeyahay taariikh Feecan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE