Liverpool iyo Chelsea oo ku lala baxay Bar-baro 1-1, Mo Salah oo ka fujiyay Reds

Labada Kooxood ee Liverpool iyo Chelsea ayaa ku heshiiyay bar-baro 1-1 kulan ka tirsan Horyaalka Premier League oo ka dhacay Garoonka  Anfield.

Sharaxaada Ciyaarta

Kooxda Chelsea oo marti aheyd ayaa u suura gashay in ay Hogaanka Ciyaarta qabato Daqiiqadii 22aad ee ciyaarta markaasi oo kubad madax ah u dhaliyay Xidiga Kai Havertz oo caawin ka helay Reece James.

Liverpool ayaana heshay goolka bar-baraha ah kadib markii uu gacanta ku taabtay Reece James kubad uu lugta ku soo taabtay Mane, Waxaa dib loo eegay Var taasi oo keentay in Chelsea laga dhigo Gool ku laad Mo Salah ayaana u soo istaagay kaasi oo gool u badalay guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-1.

Liverpool ayaa hada u muuqata kuwa awood leh madama ay dib u heleen qaar kamid ah daafacyada ugu muhiimsanaa kooxda.

Shaxda Kulanka

Line-ups

Liverpool XI: Henderson, Matip, Alisson, Firmino, Salah, Van Dijk, Mane, Fabinho, Robertson, Alexander-Arnold, Elliott

Subs: Thiago, Oxlade-Chamberlain, Minamino, Joe Gomez, Naby Keita, Tsimikas, Jota, Kelleher, Konate

Chelsea XI: Azpilicueta, Lukaku, Alonso, Jorginho, Rudiger, Christensen, E. Mendy, Kante, Mount, Havertz, Reece James

Subs: Thiago Silva, Kovacic, Kepa, Werner, Ziyech, Loftus-Cheek, T. Chalobah, Chilwell, Hudson-Odoi

Kulanka Xiga

Liverpool ayaa kulanka xiga la ciyaareysa leeds united halka ay Chelsea soo dhaweeneyso kooxda Aston Villa

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE