Manchester City oo guul daro 4-0 dhabarka u saarisay kooxda Arsenal, Xaalka Gunners oo sii xumaanaya

kulankii saddexaad ayaa laga badiyay kooxda Arsenal oo booqasho ugu tagtay kooxda Manchester City Garoonka Etihad Stadium kulan ka tirsan Horyaalka Premiere league ciyaar ku soo dhamaatay 4-0.

Sharaxaada Ciyaarta

Daqiiqadii 7-aad ayay kooxda Manchester City ku qabatay hogaanka ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay xiddiga khadka dhexe ee Ilkay Gundogan, waxaana goolkan caawiyay Gabriel Jesus kubad uu u soo qaaday madax si qurux badan ugu dhameestiray.

Xidiga Ferran Torres. ayaa Daqiiqadii 12aad ka dhigay ciyaarta 2 iyo 0 isagoo dhameestiray kubad banaanka loo soo dhigay.

Kooxda Arsenal ayaa noqotay 10 xiddig oo kaliya kaddib markii uu kaarka roosaha oo toos ah qaatay xiddigooda khadka dhexe ee Granit Xhaka daqiiqadii 35-aad, kaddib markii uu taako xoogan u kacay xiddiga naadiga Manchester City ee João Cancelo.

Daqiiqadii 43aad ee Ciyaarta ayay hogaanka sii dheereesatay kooxda Man City Gabriel Jesus ayaana markan shabaqa soo taabtay kadib caawin uu ka helay Jack Grealish qeybta hore ayaana lagu kala nastay 3-0.

Qeybta labaad Man City ayaa halkeeda kasii waday goolasha kulankan xidiga Rodri ayaa goolka 4aad dhaliyay daqiiqadii 53aad isagoo caawin ka helay Ferran Torres,

xidiga Ferran Torres ayaana soo qatimay goolasha isagoo dhaliyay goolka 5aad ciyaarta oo socota 84 daqiiqo guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 5-0.

Kulanka Xiga 

Manchester city ayaa kulankeeda xiga la ciyaareysa Kooxda Liecester City 11 bisha halka Arsenal ay booqaneyso Kooxda Norwich City.

Shaxda Ciyaarta

Man City XI: Walker, Gundogan, Cancelo, Laporte, Ederson, Grealish, Ruben Dias, Bernardo, Jesus, Rodri, Ferran Torres

Subs: Fernandinho, Mahrez, Sterling, Ake, Stones, Zinchenko, Z. Steffen, C. Palmer, Doyle

Arsenal XI: Aubameyang, Leno, Xhaka, Cedric, Kolasinac, Chambers, Tierney, Martin Odegaard, Holding, Smith Rowe, Saka

Subs: Lacazette, M.Elneny, Mari, Maitland-Niles, Ramsdale, A. Lokonga, Martinelli, Nuno Tavares, A. Okonkwo

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE