Mark Lawrenson oo saadaaliyay Natiijada Kulamada Liverpool Vs Chelsea, iyo Manchester City Vs Arsenal

Mark Lawrenson ayaa saadaaliyay kulanka Liverpool FC iyo Chelsea FC  waxana natiijada uu ka dhigay bar-baro 1-1 ah kulankooda Premier League ee Anfield.

Dhanka kale Mark Lawrenson ayaa saadaaliyay Kulanka Manchester City Vs Arsenal isagoo sheegay in Kooxda City ay guul daro 2-0 ah ay dhabarka u saarineyso Kooxda Arsenal ee Xaalkeeda sii Xulmaanayo.

Ugu Danbeyn Kooxda ka dhisan Merseyside ayaa dooneysa inay sii wadato bilowgeeda boqolkiiba boqol xilli ciyaareedka cusub marka ay garoonkooda ku soo dhoweeyaan kooxaha kula tartamaya horyaalka.

Liverpool FC ayaa sheegatay inay guulo ka gaartay Norwich iyo Burnley ilaa iyo haatan horyaalka heerka koowaad iyagoo doonaya inay iska dhigaan mid ka mid ah kooxaha sida weyn ugu tartamaya hanashada Premier League.

Dhanka kale, Chelsea FC ayaa iyaduna ilaa hadda ku jirta qaab ciyaareed wanaagsan waxayna garaacday Crystal Palace iyo Arsenal si ay ugu horreeyaan hoggaanka kulamada toddobaadkan.

Labada kooxood ayaa isku dayi doona inay hormarkooda sii wadaan xilli ciyaareedka.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE