Mustaqbalka Raheem Sterling ee Manchester City oo wali shaki ku jiro

Photo Getty

Mustaqbalka Raheem Sterling ee Manchester City wixii ka dambeeya waqtiga kama dambaysta ah ee suuqa kala iibsiga Talaadada ayaa lagu soo waramayaa in aan wali la hubin, inkasta oo kooxda ay ku guul darreysatay inay keento weeraryahan kale xagaagan.

Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa si aad ah loola xiriirinayay inay u dhaqaaqeyso Harry Kane iyo Cristiano Ronaldo , laakiin labadaba heshiiskooda waxay burbureen saacaddii u danbeeyay iyadoo Kane uu doortay inuu sii joogo Tottenham Hotspur halka Ronaldo uu doorbiday inuu ku biiro Manchester United.

Man City ayaa la fahamsan yahay inay heshiis mabda ‘ahaan la gashay Ronaldo ka hor intuusan soo noqon, waxaana la sheegay inay dooneysay inay Sterling u soo bandhigto Juventus si ay qeyb uga noqoto kala iibsiga, iyagoo sidoo kale isku dayay inay u adeegsadaan heshiiska Kane.

AS ayaa sheegeysa in xiddiga heerka caalami ee dalka England uu weli taagan yahay su’aasha, iyadoo Man City ay ku qarash gareysay 100 milyan ginni si ay u keento booskiisa Jack Grealish xagaagii.

Sterling ayaa ku soo bilowday kaliya mid ka mid ah seddexda kulan ee Man City Premier League ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan, iyadoo Grealish laga doorbiday garabka bidix labadii kulan ee ugu dambeysay.

26 jirkaan qandaraaska uu kula jiro Etihad Stadium ma dhacayo ilaa 2023, laakiin City ayaa loo maleynayaa inay u furan tahay dalabyada isaga haddii ay caawiso fursadaha ay ku keeni karaan weeraryahan dhexe oo la aqoonsan yahay.

Sterling ayaa dhaliyay 10 gool 31 kulan oo Premier League ah oo uu u saftay Man City xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu shabaqa soo taabtay 115 jeer 294 kulan oo uu u saftay kooxda tan iyo markii uu ku soo biiray 2015.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE