PSG oo ka hor istaagtay Mbappe inuu u dhaqaaqo Real Madrid ( Maxay Warbaahinta France iyo Spain ka qoreen Heshiiska)

Paris Saint-Germain ayaan wax u fududayn Real Madrid si ay ula soo saxiixato Kylian Mbappe, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya France.

Wargeyska Le Parisien ayaa soo wariyay in kooxda ka ciyaarta Ligue 1 ay diidan tahay dalabkii ugu dambeeyay ee Real ee ahaa £ 154million oo u dhiganta (180 milyan oo euro) oo ay ku dooneysay weeraryahanka reer France, waxaana ay isku diyaarinayaan dalabkii saddexaad.

Sky Sports ayaa sidoo kale sheegtay in PSG ay joojineyso heshiiska taasoo laga yaabo inay ku qasabto Real inay sugto ilaa Janaayo si ay u hesho xidigan.

Warbaahinta Spain ayaa weli filaneysa in heshiiska la fulin doono, iyadoo Marca, oo ah wargeyska xiriirka ugu dhow la leh Madrid, ay sheegtay in tallaabadaas lagu dhawaaqi doono si degdeg ah.

AS, oo ah wargeys isboorti oo kale oo fadhigiisu yahay Madrid, ayaa ka hadlaya goorta ay u dhaqaaqi doonto halkii ay ahaan lahayd, isagoo sheegay in imaatinka Mbappe uu dhammaystiri doono weerark’ Real oo ay weheliyaan Vinicius Jr iyo Karim Benzema.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE