Saamiyada Manchester United oo sare u kacay boqolkiiba 8 kadib markii uu Cristiano Ronaldo ku soo laabtay Old Trafford

Saamiyada Manchester United ayaa sare u kacay boqolkiiba 8 taas oo ka dhalatay ku soo laabashadii Cristiano Ronaldo ee kooxda.

Galabnimadii Jimcaha United ayaa ku dhawaaqday inay ogolaatay heshiis 36-jirkan dib loogu soo celinayo Old Trafford.

Taasi waxay sare u qaadday saamiyada United, oo si guud looga ganacsado Mareykanka, sida ay ku warrantay CNN.

Shaki la’aan waa mid ka mid ah ciyaartoydii abid ugu weyneyd, Ronaldo ayaa si weyn looga jecel yahay baraha bulshada – wuxuu leeyahay 334 milyan oo Instagram -ka raacsan iyo 93.7 milyan oo raacsan Twitter.

Labadii saacadood ee ka dambeeyay ku dhawaaqista Ronaldo United waxay arkeen tiradooda dadka raacsan barta Instagram -ka oo ka kacday 43.1 milyan ilaa 44.3 milyan.

Ronaldo ayaa ku riyaaqay guulo badan intii uu United joogay 2003 ilaa 2009, isagoo kula guuleystay Champions League, saddex horyaal oo Premier League ah, FA Cup iyo League Cup. Wuxuu dhaliyay 118 gool 292 kulan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE