Barcelona oo guul 2-1 ka gaartay kooxda Getafe, Memphis Depay oo ka Caawiyay guusha kulankan

kooxda Barcelona ayaa gaartay guusheeda labaad ee horyaalka La liga oo ay la ciyaartay kooxda Getafe kadib kulan ka dhacay Garoonka Camp Nou.

Sharaxaada Ciyaarta

Barcelona ayay ku qaadatay labo Daqiiqo oo kaliya in ay hogaanka ciyaarta qabato markii uu gool u dhaliyay Sergi Roberto oo caawin ka helay Jordi Alba.

Daqiiqadii 18aad ee qeybta hore ayay kooxda Getafe bar-bareesay goolkaasi waxana ka caawiyay Sandro Ramirez  lakin isla qeybta hore ayay Barca mar kale hogaanka qabatay waxana ka saaciday Memphis Depa guud ahaan ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay qeybta hore labadaasi gool.

Qeybta danbe labada kooxood ayaa sameeyay dadaal xoogan lakin midkoodna kuma guuleysan in uu shabaqa soo taabto guud ahaan kulanka ayaa ku dhamaaday 2-1.

Natiijada ayaa ka dhigan in Barcelona ay ku jirto booska Afaraad ee Horyaalka.

Kulanka Xiga

Barcelona ayaa kulankeeda xiga ciyaareysa 14 bisha Semtemper iyadoo la balansan kooxda Bayern Munich.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE