Liiska Heshiisyada ugu Weynaa ee ilaa hada ka dhacay Suuqa kala iibsiga Qeybta Kooxaha Premier League

Xidhitaanka suuqa kala iibsiga waxa inaga xiga saacado yar kooxaha premier League ayaana sameeyay saxiixyada ay ku xoojinayaan kooxohooda ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaagu.

Waxa haatanba horyaalka yimid xiddigo cusub kuwaas oo la filayo in ay wax weyn ku soo kordhiyaan kooxohooda intii uu furnaa suuqa kala iibsiga xagaagan.

Shabakada PA News ayaa soo saartay shanta saxiix ee ilaa haatan ugu fiican ee ay kooxaha premier League sameeyeen ilaa haatan.

Cristaino Ronaldo  (Man United)

Kooxda Man United ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in uu ay dib ula soo saxiixdeen xiddiga Cristaino Ronaldo kaas oo ay kala soo wareegeen kooxda Juventus.

Kooxda Man United ayaa xaqiijisay in uu Cristiano Ronaldo ku soo laabtay kooxda kadib markii uu qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah oo uu ku joogi doono Old Trafford.

Romelu Lukaku (Chelsea)

Kooxda chelsea ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Romelu Lukaku kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Inter Milan.

Chelsea ayaa Lukaku ka saxiixatay heshiis uu kooxda ku joogi doono ilaa xagaaga 2026 taas oo la macno ah in uu qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono Stamford Brdige.

Jack Grealish (Man City)

Kooxda Man City ayaa xiddiga khadka dhexe ee Jack Grealish baanka u jabisay kadib markii ay 100 milyan kula soo wareegtay xiddiga reer England kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Aston Villa xilli ciyaareedkii hore.

Raphael Varane (Manchester United)

Xiddiga 4-ta champions League ku guulaystay ayaa noqon doona xiddig Man United ah kadib markii ay Red Devils Real madrid kala heshiisay saxiixa xiddiga reer France kaas oo ku kacaya lacag dhan 50 milyan oo euro.

Ben White (Arsenal)

Kooxda Arsenal ayaa dhankeeda baanka u jabisay daafaca reer England kaas oo ay doonayso in ay ku xaliso dhibaatada daafac ee kooxda haystay sanadihii ugu dambeeyay waxana ay White ka dhigtay saxiixyada ugu qaalisan suuqa xagaagan.

Ibrahima Konaté (Liverpool)

Liverpool ayaa xilli ciyaareedkii hore ku dhibaatootay dhaawac dhanka daafaca ah wixii ugu horeeyay ee uu Klopp sameeyay ayaana ah in uu xoojiyo daafaciisa kuna soo daro kooxdiisa daafaca dhexe waxana uu keenay xiddiga Ibrahima Konaté kaas oo ay ka soo bixisay kooxdu 35 milyan oo euro.

Jadon Sancho (Man United)

Kadib sanad ay ku raad joogtay saxiixiisa kooxda Man United ayaa ugu dambayn dhamaystirtay saxiixa xiddiga reer England iyaga oo kula soo wareegay lacag dhan 72 milyan oo euro kana dhigtay saxiixyadeda ugu qaalisan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE