Wararka Suuqa kala iibsiga Maanta: Dalabka Real Madrid ee Kylian Mbappe oo wali laga jawaabin, Qiimaha lagu Aqbali karo Jules Kounde, Xiisaha Juve ee Sergio Aguero iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Liverpool Leeds iyo Aston Villa ayaa laga yaabaa inay xilli dambe u dhaqaaqaan Sampdoria iyo garabka Denmark Mikkel Damsgaard, laakiin Tottenham ayaa ka baxday loolanka 21-jirka, kaasoo dalkiisa u matalay Euro 2020. (Sport Witness) )

Paris St-Germain ayaan weli ka jawaabin dalabka Real Madrid ee ku aadan weeraryahanka reer France Kylian Mbappe, oo 22 jir ah, iyadoo kooxda ka dhisan La Liga ay u qabatay maalinta Isniinta kooxda Ligue 1 inay aqbasho ama diido dalabkooda. (Marca)

Sevilla ma aqbali doonto dalab ka yar 80m euros oo u dhiganta (£ 68.5m) daafaca reer France Jules Kounde. Chelsea ayaa lala xiriiriyay 22 jirkaan kadib markii ay West Ham ka iibisay saaxiibkiis Kurt Zouma oo 26 jir ah. (Marca)

Juventus ayaan ka fiirsan doonin inay u dhaqaaqdo 33-jirka Sergio Aguero, Eden Hazard oo 30-jir ah ama Pierre-Emerick Aubameyang oo 32-jir ah si ay ugu beddelaan Cristiano Ronaldo. (Fabrizio Romano)

West Ham ayaa ku dhow inay dhameystirto heshiis 25 milyan ginni ah oo ay kula soo wareegeyso xiddiga qadka dhexe ee Croatia Nikola Vlasic, oo 23 jir ah, kana tirsan CSKA Moscow (theguardian)

Aston Villa ayaa isku diyaarinaysa inay dalab 15 milyan oo ginni ah ka gudbiso xiddiga qadka dhexe ee Liverpool iyo England Curtis Jones, oo 20 jir ah, kaasoo aan weli u ciyaarin Reds xilli ciyaareedkan. (thesun)

Tottenham ayaa raadineysa inay la soo saxiixato labo ciyaaryahan oo kale ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga iyadoo daafaca midig ee Barcelona Emerson Royal, oo 22 jir ah, uu yahay kan ugu sarreeya liiska. (Express)

Everton Brighton Leeds iyo Crystal Palace ayaa dhammaantood ku jira loolanka loogu jiro saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara Manchester United iyo Wales Daniel James, oo 23 jir ah, kaasoo xor u ah inuu ka tago Old Trafford iyadoo 36 jirka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo uu ka imaan doono Juventus (dailystar)

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Manchester United Amad Diallo heshiiska amaahda ah ee uu ugu biiri karo Feyenoord ayaa u muuqda mid meesha ka baxaya ka dib markii 19 jirka uu dhaawac soo gaaray. (goal)

Everton ayaa wadahadalo kula jirta heshiis ay kula soo saxiixaneyso weeraryahanka reer Venezuela Salomon Rondon oo ka tirsan kooxda reer China ee Dalian Professional. Tababaraha Toffees Rafael Benitez ayaa maamulay 31-jirkan Shiinaha iyo Newcastle. (Sky Sports)

Torino ayaa amaah ku doonaysa xiddiga qadka dhexe ee Leicester iyo Belgium Dennis Praet, oo 27 jir ah, kaasoo aan ka soo muuqan kooxda Foxes xilli ciyaareedkan. (Tuttomercatoweb)

Juventus ayaa doonaysa inay u dhaqaaqdo xiddiga Borussia Dortmund ee Belgium Axel Witsel, oo 32 jir ah, iyadoo Massimiliano Allegri uu doonayo inuu xoojiyo safkiisa qadka dhexe. (Sky Sport)

Kooxda ka dhisan Serie A ayaa sidoo kale laga yaabaa inay u dhaqaaqdo Paris St-Germain weeraryahankeeda Mauro Icardi, oo 28 sano jir aah, kaasoo dhaliyay 124 gool 219 kulan oo uu joogay lix-sano ah kooxda Inter Milan (Tuttosport)

Bayern Munich ayaa heshiis la gaartay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Austria Marcel Sabitzer, oo 27 jir ah, kaasoo ay kala soo wareegi doonaan kooxda ay xafiiltamaan ee Bundesliga ee RB Leipzig lacag dhan 16m euros (£ 13.7m). (Bild)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE