Griezmann oo ku laabtay Kooxda Atletico Madrid Heshiis Amaah Ah, ( Romano oo Xaqiijiyay)

Antoine Griezmann ayaa ku laabtay Atletico Madrid, sida uu sheegay Saxafiga Romano ee suuqa qabiirka ku ah.

Weeraryahanka reer France ayaa dib ula saxeexday Los Colchoneros laba sano oo amaah ah taas oo haysata ikhtiyaar uu ku gato dhamaadka.

Barcelona ayaa ku dadaaleysa dirista xidigaha qaar iyada oo ay ugu wacan tahay xaaladdooda dhaqaale ee halista ah.

Diego Simeone ayaa sidoo kale aad u doonayay in weeraryahanka reer France uu dib ugu soo laabto kooxda, in kasta oo faahfaahinta heshiiska aysan weli caddeyn xilligan.

Waxay u muuqataa in Atleti ay la wareegi doonto Griezmann mushaarkiisa oo dhan, kaasoo lagu caawiyay go’aanka loogu ogolaaday Saul Niguez inuu amaah ugu tago Chelsea.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE