Liverpool oo qorsheysay Waqtiga ay lasoo saxiixaneyso Xidiga Brozovic

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Inter Milan Marcelo Brozovic bartilmaameedka suuqa ee 2022.

In kasta oo ay Georginio Wijnaldum beeca xorta ah ku wayday horaantii xagaagan, haddana Liverpool weli ma la soo saxiixan badalka tooska ah ee xiddiga reer Netherlands.

Sida ay hadda tahay, waxay u muuqataa in Jurgen Klopp uu aamini doono da’yarka Harvey Elliott ololaha hadda socda, isagoo durba 18-jirka ku bilaabaya laba ka mid ah saddexda kulan ee furitaanka Premier League ee Liverpool.

Si kastaba ha ahaatee, Inter Live ayaa sheegeysa in Liverpool ay isku dayi doonto inay khibrad dheeri ah ku darto darajooyinkooda xagaaga soo socda iyadoo lagu soo dari doono Brozovic.

28 jirkaan, oo lixdii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay ku qaatay San Siro, ayaa haatan qandaraaskiisu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Inter ayaa hubaal ahaan dooneysa inay heshiis cusub la gaarto xiddiga reer Croatia bilaha soo socda.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE