Suuqa kala iibsiga Caawa: Eduardo Camavinga oo rasmi ugu biiray Kooxda Real Madrid, Takehiro Tomiyasu oo ku biiray Arsenal iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Manchester United weeraryahankeeda Anthony Martial ayaa lagu soo waramayaa inuu doonaya inuu ka boxo Old Trafford ka hor kulanka talaadada ee ugu danbeysay ee 11pm.

Milan ayaa heshiis amaah ah kula soo wareegtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Crotone Junior Messias iyadoo dooq u haysata inay iibsato,  Fabrizio Romano .

Kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa wadahadalo ku saabsan Antoine Griezmann yeelanaya si xidigan uu ugu laabto Atletic Madrid. Goal

RB Leipzig ayaa dhameystirtay heshiiska ay kula soo saxiixaneyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Ilaix Moriba.

Chelsea ayaa weli isku dayaysa inay Saul Niguez kala soo wareegto Atletico Madrid,  The Athletic .

Tottenham ayaa xaqiijisay saxiixa Emerson oo ay kala soo wareegtay Barcelona. Tottenham.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE