Toos: Heshiisyada ka dhacaya Suuqa kala iibsiga Maalinta ugu Danbeysa (deadline day)

Waxaa toos u socoda tabinta Wararka suuqa iyo Heshiisyada ka dhacaya maalinta ugu danbeysa Suuqa, Bahda Ciyaaro.com ayaana toos idinkula socodsiineysa.

19:20- Manchester United weeraryahankeeda Anthony Martial ayaa lagu soo waramayaa inuu doonaya inuu ka boxo Old Trafford ka hor kulanka talaadada ee ugu danbeysay ee 11pm.

19:10-  Milan ayaa heshiis amaah ah kula soo wareegtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Crotone Junior Messias iyadoo dooq u haysata inay iibsato,  Fabrizio Romano .

19:00-  Kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa wadahadalo ku saabsan Antoine Griezmann yeelanaya si xidigan uu ugu laabto Atletic Madrid. Goal

18:30- RB Leipzig ayaa dhameystirtay heshiiska ay kula soo saxiixaneyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Ilaix Moriba.

18:25-  Chelsea ayaa weli isku dayaysa inay Saul Niguez kala soo wareegto Atletico Madrid,  The Athletic .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE