Liiska: Saxiixyada Ugu Waaweynaa ee laga sameeyay Suuqa kala iibsiga Maalinta ugu Danbeysay

Waxa si Rasi ah u xidhmay suuqa kala iibsiga xagaaga kaas oo ay shalay ahayd maalintii ugu dambasay ee suuqa kala iibsiga xagaaga oo muddo furnaa.

Shalay ayaa ahayd maalin aad u mashquul badan waxana jira kooxo badan oo sameeyay saxiixyo badan kuna dhawaaqay saxiixyadaas si ay ugu xoojiyaan kooxdooda.

Xiddigaha Griezmann, Ronaldo, Saul iyo xiddigo kale oo badan ayaa kooxo cusub ku biiray shalay oo ahayd maalintii ugu dambaysay suuqa xagaaga.

Hadaba halkan ku soo laabo daqiiqad kasta si aad u ogaato saxiixyada dhacaya maanta oo ah maalinta ugu dambaysay suuqa kala iibsiga:

Saúl Ñíguez Oo Ku Biiray chelsea:

Chelsea ayaa xiddiga khadka dhexe ee Saul Niguez qaab amaah ah kala soo wareegtay kooxda Atletico Madrid iyaga oo fursad u haysta in ay qaab toos ah ula wareegaan xiddiga xagaaga dambe.

Takehiro Tomiyasu Oo Dhamaystiray Ku Biiristiisa Arsena:

Kooxda Arsenal ayaa dhankooda ku dhawaaqay saxiixa xiddiga daafaca Midig ka ciyaara ee Takehiro Tomiyasu kaas oo ay kala soo wareegeen kooxda Bologna waxana ay ka saxiixdeen heshiis 4 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda.

Griezmann Oo Ku Biiray Atletico Madrid

War haatan soo dhacaya ayaa sheegaya in Griezmann uu ku biirayo Atletico Madrid labada kooxna ay ka hishiiyeen

Atletico waxa ay laacibkaas ku helayaan qaab amaah ugu dambeyn waa ay iibsan karaan iyadoo uu la joogayo illaa iyo xilli ciyaareedka dambe

Warku wax auu intaas ku darayaa  in ugu dambeyn ay ku iibsan karaan aduun dhan 40 milyan ,

Waxii faah faahin ah goor dhaw la soco

Tottenham Oo Dhamaystirtay Saxiixa Xiddiga  Emerson Royal:

Kooxda Tottenham ayaa ugu dambayn si Rasmi ah u dhamaystirtay saxiixa daafaca Emerson Royal kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Barcelona.

Tottenham ayaa xiddiga 21 jirka ah kaa bixisay lacag dhan 25 milyan ah iyaga oo ku xoojiyay daafacooda xilli ciyaareedkan

Real Madrid Oo Ku Dhawaaqday Saxiixa Eduardo Camavinga

Kooxda Real Madrid ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Eduardo Camavinga kaas oo ay kala soo saxiixatay Kooxda Rennes.

Kooxda Real Madrid ayaa xiddiga 18 jirka ah ka saxiixatay heshiisk 6 sano ah oo uu ku joogi doono ilaa xagaaga 2027 isaga oo sidaas ku noqday saxiixii 2-aad ee ay Real Madrid samaysay xagaagan.

Leeds Oo United Kala Wareegtay Daniel James:

Kooxda Man United ayaa xaqiijisay in uu xiddiga Daniel James ka tagay kooxda kuna biiray kooxda Leeds United isaga oo qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda Leeds United.

Juventus Oo Dhamaystirtay saxiixa Mohamed Ihattaren:

Kooxda Juventus ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga kooxda PSV ee Mohamed Ihattaren kaas oo ay ka saxiixatay heshiis 4 sano ah oo uu kula joogi doono kooxda, laakiin xiddiga Mohamed Ihattaren ayaa qaab amaah ah ugu biiri doona kooxda Sampdoria xagaagan.

Real Madrid Oo Isku diyaarinaysa in ay ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga Eduardo Camavinga:

Kooxda Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga kadib markii ay kooxda Rennes kala heshiiyeen qiimaha xiddiga

Juventsu oo dhameystirtay  hishiiska Mohamed Ihattaren

Juve ayaa dhameystirtay saxiixa Mohamed Ihattaren oo  ay amaah kala soow areegeen kooxda PSV

Juventus have completed the signing of Mohamed Ihattaren from PSV, done deal and confirmed. He’s leaving on loan with Sampdoria pushing

Man United Oo Ku Dhawaaqday Saxiixa Cristiano Ronaldo:

Kooxda Man United ayaa ugu dambayn ku dhawaaqday saxiixa xiddiga Cristaino Ronaldo kaas oo ay xaqiijisay in ay ka saxiixatay heshiis 2 sano ah iyo hal sano oo dheeraad ah.

Man United ayaa xaqiijisay in uu xiddigu haatan sugayo fiisaha uu ku imanay England kadib markii uu qalinka ku duugay heshiiska uu ugu soo biiray Man United.

Emerson Royal Oo Tijaabada Caafimaadka U Maraya Tottenham:

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Barcelona ee ciyaara ee Emerson Royal ayaa haatan tijaabada caafimaadka u maraya kooxda Tottenham.

Barcelona iyo Tottenham ayaa si Rasmi ah uga heshiiyay qiimaha xiddiga oo dhan 30 milyan oo euro halka sidoo kale laga heshiiyay heshiiska shaqsiga ah.

Eduardo Camavinga ➜ Real Madrid

Kooxda Real Madrid ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee saxiix cusub samaysa maalinta ugu dambaysa suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxda Rennes kala heshiiyay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Eduardo Camavinga.

Kooxda Real Madrid ayaa laga aqbalay dalab dhan 31 milyan oo euro iyo lacago guno ah waxana uu xiddigu haatanba tijaabada caafimaadka u mari doonaa kooxda Real Madrid.

Kooxda Los Blancos ayaa haatan isku diyaarinaysa in ay si Rasmi ah ugu dhawaaqdo saxiixa xiddiga iyaga oo ku guulaystay saxiixiisa inkasta oo ay kooxo badan doonayeen.

Juventus Oo Xaqiijisay Bixitaanka Ronaldo:

Juventus ayaa xaqiijisay in Cristiano Ronaldo uu ka tagay kooxda ka hor inta uusan u dhaqaaqin Manchester United Isaga oo maanta si Rasmi ah u noqon doona xiddig Man United ah.

Kooxda ayaa soo saartay warbixin ay ku macasalaamaysay xiddiga 36 jirka ah oo muddo 3 sano ah ku sugnaa kooxda ka dhisan Turin.

RASMI: Moise Kean Oo Ku Soo Laabtay Juventus:

Kooxda Juventus ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dib ula soo saxiixtay xiddiga Moise Kean kaas oo ay qaab amaah ah ugala so wareegtay kooxda PSG xilli ciyaareedkan.

Juventus ayaa Moise u keentay in uu noqdo badalka Cristiano ROnaldo kaas oo ay xaqiijisay in uu ku biiro kooxda Man United.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE