RASMI: Chelsea oo heshiis amaah ah kula soo saxiixatay xiddiga qadka dhexe ee Atletico Madrid Saul Niguez

Chelsea ayaa heshiis amaah ah kula soo wareegtay xiddiga qadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid iyo xulka Spain Saul Niguez iyadoo dooq u haysata inay iibsato.

Chelsea ayaa ka shakisay inay la saxiixan karto Saul, laakiin waxay ku guuleysatay inay heshiis la gasho, iyadoo bixisay lacag amaah ah oo ikhtiyaar u leh inay u dhaqaaqdo mid joogto ah.

Sevilla ayaa goor sii horreysay xaqiijisay inay diideen dalabkii Chelsea ee ahaa “mid aan ku qanacsaneyn” daafaca reer France Jules Kounde.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan Chelsea kula bilaabo tartankan cusub,” ayuu yiri Saul, oo markii hore lala xiriirinayey Manchester United.

“Taageerayaasha Blues, hadda waxaan ahay mid idinka mid ah mana sugi karo inaan xirto funaanadda, tababarka bilaabo oo aan idin arko dhammaantiin.

Saul wuxuu u ciyaaray Atletico 340 kulan wuxuuna u dhaliyay 43 gool.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE