Ansu Fati oo laga Saaray Kulanka Barcelona ay Wajaheyso Kooxda Granada

Ansu Fati ayaa la filayaa inuu ka soo laabto dhaawaca isbuucyada soo socda ka dib 10 bilood oo uu maqnaa, laakiin kulanka Barcelona ay gurigeeda kula ciyaari doonto Granada isniinta.

Barcelona ayaa rajeyneysa in 18 jirkaan uu awoodo inuu ciyaaro marka ay u safrayaan inay wajahaan Cadiz Khamiista soo socota, Sebtember 23.

Waxaa markii hore la hadal hayay in Ansu Fati uu ku soo laaban karo kulanka Barcelona iyo Sevilla kulankaas oo markii dambe dib loo dhigay sababo la xiriira ciyaartoyda CONMEBOL oo goor dambe ka soo laabtay waajibaadkooda caalamiga ah, laakiin Ronald Koeman ayaa xaqiijiyay inaysan taasi dhici doonin.

Shaqaalaha tababarka iyo kooxda caafimaadka labaduba waxay rabaan inuu ciyaaro Ansu Fati, ka dib saddexdii qaliin ee jilibka looga sameeyay.

Hadda, jilibka Ansu Fati aad ayuu uga caafimaad badan yahay hadafkuna wuxuu hadda u noqon doonaa inuu dib u soo ceshado kalsoonidii jidhkiisa.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE