Manchester City oo isbadal ku sameesay Kabtanimada Kooxda, Ilkay Gundogan oo la Wareegaya iyo Kevin de Bruyne oo la bahdilay

Manchester City ayaa isku shaandhaynku samaysay kabtannadeeda iyadoo masuuliyad culus loo xambaariyey laacibka khadka dhexe uga ciyaara ee Ilkay Gundogan.

Tababare Pep Guardiola oo ogsoon in Fernandinho oo ah kabtanka kooxdiisu, in uu xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyey ka ciyaarayo Etihad Stadium ayaa waxa uu sii diyaariyey laacibkii kala wareegi lahaa masuuliyadda iyo calaamadda kabtannimada marka uu kooxda ka tago laacibka reer Brazil.

Kevin de Bruyne ayaa hal tallaabo dib loo tuuray, waxaana laga qaaday masuuliyaddiisii ahayd kabtan ku-xigeenka waxaana laga dhigay ciyaartoyga afraad ee liiska kabtannada, taas oo ka dhigan inay jiraan saddex ciyaartoy oo kale oo ka horreeya.

Difaaca reer Portugal ee Ruben Dias ayaa lagu soo daray liiska kabtannada Manchester City, waxaana laga soo hormaray Kevin de Bruyne, iyadoo uu Dias noqonayo kabtanka saddexaad ee kooxda.

Laacibkan ayaa helaya fursado uu xilli ciyaareedkan kaga soo muuqan karo horyaalka Premier League isagoo ah kabtanka Manchester City, laakiin waxa uu u baahnayaa inay meesha ka baxaan labada  ciyaartoy ee ka horreeya.

Tababare Pep Guardiola ayaa kabtan ku-xigeenka Manchester City ka dhigay Ilkay Gundogan oo lasoo dallacsiiyey, waxaana uu hoggaamin doonaa safka Man City xilli ciyaareedkan maadaama  uu Fernandinho oo kabtanka koowaad ahi uu kaydka ku jiro oo waqtiyo kooban la ciyaarsiiyo.

Fernandinho oo ahaa kabtanka Manchester City tan iyo markii uu ka tegay Vincent Kompany sannadkii 2019, ayaa waxa uu hadda ku jiraa gebogabadii waayihiisa isagoo dhowaan saxeexay sannad qandaraas ah kaddib markii uu dhamaaday heshiiskiisii hore.

Kabtannada Manchester City ayay tiradoodu tahay shan, waxaana  kaalinta ugu dambaysa ama sugaha shanaad ah Raheem Sterling.

Ruben Dias ayaa kusoo bilowday kulankii Champions League ee RB Leipzig isagoo xidhan calaamadda kabtanka maadaama ay fadhiyeen Ilkay Gundogan iyo Fernandinho, waxaanay taageereyaashu is weydiinayeen sababta uu kabtanka ku noqday isagoo jooga Kevin de Bruyne, laakiin markii uu warka isku shaandhayntu soo baxay ayay xaqiiqsadeen sababtii uu masuuliyaddaas u qaaday.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE