Saddex Kulan oo loo qabtay Ronald Koeman si Shaqadiisa uu u sii wato

Tababaraha kooxda Barcelona Ronald Koeman ayaa u dagaalamaya inuu shaqadiisa sii wato ka dib guuldarradii isbuucaan ka soo gaartay Bayern Munich .

Koeman ayaa cadaadis saaran ka dib markii Barca ay guuldarro 3-0 ah kala kulantay Champions League isbuuc gudihiis oo uu si cad u weeraray madaxweynaha Joan Laporta.

Laporta ayaa wadahadalo  la yeeshay madaxweyne ku-xigeenka Rafa Yuste iyo agaasimaha farsamada Matteo Alemany isla markiiba ciyaarta ka dib, iyadoo kulanku uu gaaray ilaa 2-da subaxnimo.

Wargayska El Confidencial ayaa sheegaya in Laporta uu ka dhamaaday dulqaadkii uu u hayay Koeman isla markaana uu diyaar u yahay inuu ceyriyo tababaraha reer Holland.

Waxaa la soo jeediyay in Koeman uu haysto seddex kulan si uu u badbaadiyo shaqadiisa, iyadoo Granada, Cadiz iyo Levante ay dhammaantood u imaan doonaan Catalans. Sida kooxdiisu u muujiso saddexdaas kulan ee LaLiga ayaa go’aamin doonta aayaha Koeman.

Laakiin waqtigan, Laporta wuxuu u janjeeraa sidii loo ceyrin lahaa tababarihiisa, iyadoo heshiiskiisu dhacayo bisha Juun.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE