Hordhac: Inter Vs Bologna Kulankooda Horyaalka Serie A Italy, Stefano Sensi oo shaki ku jiro, iyo Shaxda Macquulka

Kooxda Inter Milan ayaa garoonkeeda ku soo dhaweeneysa kooxda Bologna kulan ka tirsan Horyaalka Serie A Italy, Inter Milan ayaa kulankeeda ugu danbeeyay la kulantay guul daro kasoo gaartay Real Madrid inkastoo dhanka Horyaalka ay ku jirto qaab feecan.

Wararka Labada Kooxood

Inter Milan: waxaa laga yaabaa inuu ka maqnaado ciyaaryahanka khadka dhexe Stefano Sensi, kaasoo dhaawac qaba. Marka laga reebo xidigan tababare Simone Inzaghi ayaa la filayaa in uu heysto koox taam buuxda u ah.

Bologna: Dhanka kale, tababaraha Bologna Sinisa Mihajlovic ayaa la filayaa inuu heesto koox buuxda oo uu ka soo xusho kooxdiisa.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Inter Milan XI (3-5-2): Samir Handanovic, Milan Skriniar, Stefan de Vrij, Federico Dimarco, Denzel Dumfries , Nicolo Barella , Marcelo Brozovic, Hakan Calhanoglu, Ivan Perisic, Lautaro Martinez, Joaquin Correa

Bologna XI (4-2-3-1): Lukasz Skorupski, Lorenzo Di Silvestri, Gary Medel, Kevin Bonifazi, Aaron Hickey, Nicolas Dominguez, Mattias Svanberg, Riccardo Orsolini, Roberto Soriano, Nicola Sansone, Marko Arnautovic

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

26 kulan oo dhex maray labada kooxood, Inter Milan ayaa heysata guulaha ugu badan. Waxay badiyeen 17 ciyaarood, afar guuldaro iyo shan barbaro.

Labada naadi ayaa kulankooda ugu danbeeyay ciyaaray horaantii sanadkan horyaalka Serie A, iyadoo Inter Milan ay 1-0 ku garaacday Bologna.

Gool qeybtii hore ka yimid xiddiga reer Belgium Romelu Lukaku, oo haatan ku sugan Chelsea, ayaa guusha u xaqiijiyay Inter Milan.

Inter Vs Bologna

Tartanka Serie A

Saacada (19:00pm Somalia) (18:00pm Yurub)

Garoonka Giuseppe Meazza

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE