Hordhac: Kulanka Liverpool Vs Crystal Palace ee Horyaalka Premier League-ga, Shaxda iyo Xidigaha ka maqan labada dhinac

Kooxda Liverpool ayaa la ciyaareysa Crystal Palace kulan ka tirsan Horyaalka Premier league oo ka dhicidoona Garoonka Anfield, Reds ayaa guul gaartay kulankeeda ugu danbeeyay halka Crystal Palace ay 3-0 uga soo badisay kooxada Tottenham.

Wararka Labada Kooxood

Liverpool: waxaa ka maqnaan doona da’yarka qadka dhexe Harvey Elliott, halka uu jiro shaki ku aadan helitaanka weeraryahanka reer Brazil Roberto Firmino , xiddiga reer Belgium Divock Origi iyo daafaca midig ee Welsh Neco Williams. Marka laga reebo taas ma jiraan arrimo la og yahay waxaana tababare Jurgen Klopp la filayaa inuu haysto koox taam ah oo uu soo xusho.

Crystal Palace: Dhanka kale, maamulaha Crystal Palace Patrick Vieira ma awoodi doono inuu u yeero adeega xiddiga reer Ghana Jeffrey Schlupp, daafaca Nathan Ferguson iyo qadka dhexe Eberechi Eze inta kale ee xidigaha kooxda ayaa taam u ah.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Liverpool (4-3-3): Alisson Becker, Trent Alexander-Arnold, Joel Matip, Virgil van Dijk , Andrew Robertson , Jordan Henderson, Fabinho, Thiago Alcantara, Mohamed Salah, Diogo Jota, Sadio Mane.

Saadaasha (4-3-3): Vicente Guaita, Joel Ward, Joachim Andersen, Marc Guehi, Tyrick Mitchell, Conor Gallagher, Luka Milivojevic, Will Hughes, Jordan Ayew, Odsonne Edouard, Wilfried Zaha

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

18 kulan oo dhex maray labada kooxood, Liverpool ayaa haysata guudaha ugu badan. Waxay badisay 13 kulan.

Kooxda Crystal Palace ayaa badisay afar kulan halka ay bar-baro galeen hal kulan

Labada naadi ayaa kulankooda ugu danbeeyay kulmay horaantii sanadkan Horyaalka Ingiriiska, iyadoo Liverpool ay 2-0 ku garaacday Crystal Palace.

Labo gool oo uu dhaliyay weeraryahanka reer Senegal Sadio Mane ayaa guusha u xaqiijiyay Liverpool.

Liverpool Vs Crystal Palace

Tartanka Premier league

Saacada (17:00pm Somalia) (16:00pm Yurub)

Garoonka Anfield

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE