Qaliin Wadnaha ah oo lagu Sameeyay Mid kamid ah Xidigaha ugu Muhiimsan kooxda Bayern Munich

Kooxda Bayern Munich ayaa xaqiijisay in xiddiga garabka ka ciyaara ee Kingsley Coman uu khamiistii maray qaliin yar oo wadnaha ah si wax looga qabto arrimaha neefsashada.

Coman, oo 25 jir ah, ayaa la dhibtoonayay neefsashada oo gaaban wuxuuna kaliya soo muuqday muuqaal ciyaartii ay Bayern 3-0 kaga badisay Barcelona Talaadadii Champions League.

Baaritaan caafimaad ka dib, Coman waxaa laga helay garaaca wadnaha oo aan joogto ahayn – go’aankana waxaa la gaaray in la doorto qalliin.

Tababaraha Bayern Julian Nagelsmann ayaa shirkiisa jaraa’id ee Jimcihii shaaca kaga qaaday xaaladda Coman iyo qaliinkiisa.

‘Kingsley Coman ayaa qaliin lagu sameeyay shalay,’ ayuu yiri.

‘garaaca wadnihiisu xoogaa ayuu yaraa iyadoo garaacis yar lagu daray. Mararka qaar waxa uu qabay neef ah.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE