Thomas Tuchel oo xaqiijiyay in N’Golo Kante uu taam u yahay kulanka Tottenham

/ Michael Regan / Getty Images

Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa xaqiijiyay in ciyaaryahanka khadka dhexe N’Golo Kante uu diyaar u yahay inuu ku soo laabto kooxda kulanka axada ee Tottenham Hotspur.

Kante waxaa gaaray dhaawac . Wuxuu seegay kulankii furitaanka ee Crystal Palace wuxuuna maamulay kaliya 45 daqiiqo markii uu ku soo laabtay safka hore kulankii ay barbaraha 1-1 la galeen Liverpool, kaas oo uu ka soo gaaray dhaawac gumaarka ah oo sababay inuu ka maqnaado Blues labadii kulan ee ugu dambeysay.

Tuchel ayaa ku sheegay shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta ka hor in ninka reer France uu ku soo laabtay tababarka buuxa uuna diyaar u yahay inuu ku soo laabto kooxda Axadda.

“N’Golo wuu soo laabtay,” ayuu yiri. “Waxa uu ku soo laabtay qaab ciyaareed buuxa wuxuuna diyaar u yahay inuu ciyaaro”.

Tuchel ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Chelsea aysan qabin wax dhaawacyo cusub ah oo ay la tacaali karto, taasoo ka dhigeysa kaliya garabka Mareykanka Christian Pulisic inuu ka maqnaan doono dhaawac canqowga ah oo soo gaaray intii lagu jiray fasaxa xulalka.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE