Barcelona oo Qaab Amaah ah ku dooneysa Xidiga Raheem Sterling

Photo Getty

Barcelona ayaa xiiseyneysa inay heshiis amaah ah kula soo saxiixato weeraryahanka Manchester City Raheem Sterling inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga jiilaalka, sida laga soo xigtay Sport

26 jirkaan ayaa lala xiriirinayay Blaugrana horaantii xagaagan. Heshiis isdhaafsi ayaa la isla dhexmarayay Antoine Griezmann, Ousmane Dembele iyo Sergi Roberto oo ka mid ah ciyaartoyda la sheegay .

Ma jiraan wax ka dhacay naadiyada aakhirkii. Sterling ayaa kulan walba u ciyaaray Cityzens xilli ciyaareedkan, laakiin afar ka mid ah shantii kulan ee uu ka soo muuqday kursiga keydka.

Waxaa saameeyay heshiiska Jack Grealish. Dhanka kale Gabriel Jesus ayaa sameeyay dib u soo nooleyn yar, taasoo ka dhigeysa booska garabka midig inuu ka ciyaaro horyaalnimada.

Waxaa haatan lagu soo waramayaa in kooxda reer Catalan ay miisaameyso dalab amaah ah oo ay ku dooneyso xiddiga heerka caalami ee dalka England. Sterling wuxuu u furan yahay loolanka maadaama uu doonayo inuu kasbado daqiiqado badan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE