Shaxda Rasmiga ee Kulanka Real Madrid vs Sheriff, Eden Hazard oo lagu soo bilaabay

Carlo Ancelotti wax dhayalsi ah ma samaynin kulanka ay kooxdiisu ku qaabbilayso Sheriff Tiraspol, waxaanu kusoo bilaabay shax adag  oo ay hoggaaminayaan Karim Benzema, Vinicius Junior iyo Eden Hazard.

Kulankan oo ka  dhacaya garoonka Santiago Bernabeu, waxay Sheriff Tiraspol noqonaysaa kooxdii 108aad ee Real Madrid ay kula kulanto Champions League.

Ancelotti ayaa soo qaddimay xiddiga reer France ee Karim Benzema ee ay gool-dhalintu u fasaxan tahay xilli ciyaareedkan, waxaanay iskaashanayaan da’yarka reer Brazil ee kubaddu u toostay ee Vinicius Junior oo isaguna bandhig fiican ka samaynaya garoomada.

Laakiin xiddiga reer Belgium ee Eden Hazard ayaa fursad loo siiyey inuu isku muujiyo oo uu boos ka raadsado kooxda iyadoo uu ka ciyaarayo booska garabka midig ee weerarka illaa dhexda.

Eduardo Camavinga ayaa kusoo bilowday khadka dhexe waxaanu beddelay Marco Asensio, halka Luka Modric kaydka la dhigay oo uu kasoohormaray Federico Valverde.

Difaaca da’da yar ee Miguel Gutierrez ayaa nasiib u yeeshay inuu kusoo bilowdo difaaca bidix halka Nacho loo diray dhinaca  midig oo uu beddelayo Dani Carvajal oo dhaawac ku maqan. Eder Militao iyo David Alaba ayaa difaacyada dhexe kusoo bilowday.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Real Madrid XI: Courtois, Nacho, Militao, Alaba, Miguel, Casemiro, Camavinga, Valverde, Hazard, Vinicius, Benzema.

Sheriff: Athanaslidis, Costanza, Hurtado, Dulanto, Cristiano, Addo, Kolovos, Thill, Traore, Velez, Yakhshiboev.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE