Shaxda Rasmiga Kulanka PSG Vs Man City, Lionel Messi oo lagu soo bilaabay Caawa

PSG ayaa garoonkeeda Parc des Princes ku qaabbilaysa Manchester City iyadoo raadinaysa guushii koowaad ee tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan.

Tababare Mauricio Pochettino ayaan waxba la hadin, waxaanu kusoo bilaabay xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi oo ka hor tegaya tababarihiisii hore ee Pep Guardiola iyo kooxdii qarka u saarnayd  saxeexiisa sannad ka hor ee Man City.

Lionel Messi ayaa ka garab ciyaaraya Neymar iyo Kylian Mbappe oo ay wada abuurayaan saddexlayda weerarka ugu halista badan adduunyada, waxaana khadka dhexe ka taageeraya Marco Verratti, Andre Herrera iyo Gueye.

Difaaca ayay kusoo wada bilowdeen Marquinhos, Kimpembpe, Hakimi iyo Mendes, halka uu goolhaye Gianluigi Donnarumma kusoo bilowday biraha dhexdooda ee uu kaydka u diray Keylor  Navas.

Pep Guardiola  ayaa isaguna  kusoo bilowday xiddigihiisa waaweyn ee Kevin de Bruyne, Riyad Mahrez, Jack Grealish, Silva iyo Sterling.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

PSG XI: Donnarumma, Hakimi, Marquinhos, Kimpembe, Nuno Mendes, Verratti, Herrera, Gueye, Neymar, Messi, Mbappe.

Kaydka: Navas, Letellier, Paredes, Icardi, Danilo, Dagba, Wijnaldum, Kurzawa, Diallo, Draxler, Kehrer, Dina Ebimbe.

MAN CITY XI: Ederson, Walker, Dias, Laporte, Cancelo, Rodri, Mahrez, De Bruyne, Bernardo Silva, Grealish, Sterling.

Kaydka: Steffen, Carson, Stones, Ake, Jesus, Torres, Fernandinho, Foden, McAtee, Wilson-Esbrand.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: laacibfm

SHARE