Photo/Reuters

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay bisha Janaayo u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lille Renato Sanches .

24-sano jirkaan ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu ka tagayo kooxdiisa Faransiiska xagaagii hore laakiin suuqa kala iibsiga ayaa xirmay iyadoo Portuguese-ka uu weli ku sugan yahay Stade Pierre-Mauroy.

Sanches ayaa la dhibtoonayay dhaawacyo intii lagu jiray ololihii 2021-22 laakiin wali wuxuu u saftay sagaal kulan kooxdiisa Ligue 1 tartamada oo dhan.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal ayaa dhawaan furay albaabka uu ka bixi karo bisha Janaayo, waxaana uu xusay Arsenal inay yihiin kuwa doonaya markii wax laga weydiiyay dhaqaaqiisa xiga.

Sida laga soo xigtay Calciomercato , Gunners ayaa ‘ raadinaysa dhaqaale’ si ay ugu dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, kooxda Mikel Arteta ayaana ka go’an inay ku garaacdo AC Milan saxiixiisa.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Alexandre Lacazette , Eddie Nketiah iyo Bernd Leno laga yaabo in la iibiyo bilowga sanadka soo socda si loo helo lacagaha suuqa kala iibsiga.

Sanches ayaa horay uga soo ciyaaray Premier League xilli ciyaareedkii 2017-18, isagoo matalay Swansea City oo uu amaah kaga yimid Bayern Munich.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here