Daafaca Manchester United Diogo Dalot ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu sii joogo oo uu u dagaalamo booskiisa kooxda Red Devils.

22-sano jirkaan ayaa weli ku dhibtoonaya fursadaha uu kaga heli karo Aaron Wan-Bissaka , waxaana la saadaaliyay inuu ku laaban doono Talyaaniga midkood Roma ama AC Milan .

Dalot waxa uu ahaa mid joogto ah intii uu amaahda kula joogay Rossoneri – waxa uu 33 kulan u saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore – laakiin waxa la arki doonaa sida cayrinta Ole Gunnar Solskjaer u saamayn doonto mustaqbalkiisa Red Devils.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Sida laga soo xigtay The Sun , Dalot waxaa ka go’an inuu magac ku yeesho Old Trafford, waxaana uu ku qanacsan yahay in mustaqbalkiisu uu yaallo Masraxa Riyooyinka.

Dalot ayaan wali u bilaaban kulan Premier League ah Man United xilli ciyaareedkan waxana uu noqonayaa wakiil xor ah wax ka yar laba sano gudahood.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here