Manchester United weeraryahankeeda Jesse Lingard ayaa lagu soo waramayaa in weli uu doonayo ka tagitaanka Old Trafford inta lagu guda jiro bisha Janaayo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, inkastoo uu baxay Ole Gunnar Solskjaer .

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa ku dhibtooday inuu si joogta ah u ciyaaro xilli ciyaareedkan, iyadoo Solskjaer uu soo xushay ciyaartoy dhowr ah oo ka horeeya 28 jirka.

Lingard ayaa lala xiriirinayay inuu ku laabanayo West Ham United bisha Janaayo, isagoo ku riyaaqay amaah uu ku qaatay kooxda qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu dhawaan ka dhawaajiyay inuu u dhaqaaqi karo garoonka London Stadium.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Ciyaartoyda sida Donny van de Beek iyo Anthony Martial ayaa labadoodaba la sheegay inay diyaar u yihiin inay sugaan ka hor inta aysan go’aan ka gaarin mustaqbalkooda, iyadoo labadoodaba lagu magacaabay Man United XI habeenkii talaadada ee ee kulankii Villarreal.

Si kastaba ha ahaatee, Lingard looma isticmaalin kulankii Champions League, sida laga soo xigtay Daily Mail , weeraryahanka ayaa weli quus ka taagan inuu baxo inkastoo Solskjaer uu ka tagay.

Qandaraaska Lingard ee Old Trafford ayaa ku eg bisha June ee soo socota, Red Devils ayaana lagu xamanayaa inay diyaar u tahay inay ku iibiso 10 milyan ginni inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here