kooxda Manchester City ayaa iska xaadirisay Wareegta 16aad ee champions league-ga kadib guul ay ka gaartay kooxda PSG ee Dalka Faransiiska.

City oo gool looga hormaray kulankan ayaa ku badisay 2-1 waxana goolashada ka caawiyay Raheem Sterling iyo Gabriel Jesus Halka Goolka PSG uu u saxiixay K. Mbappe.

Kooxda PSG ayaa hogaanka ciyaarta Qabatay daqiiqadii 50aad ee ciyaarta kadib kubad ay isku dhufsadeen Neymar iyo Messi uu banaanka soo dhigay xidiga Messi waxana si qurux badan u dhameestiray K. Mbappe.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Raheem Sterling ayaa goolkaasi ka barbareeyay kooxda PSG kubad lasoo qaaday isla markana banaanka lasoo dhigay waxaa lugta bidix ku dhameestiray xidiga Raheem Sterling oo kulankiisa labaad lagu soo daray shaxda macalinka.

Gabriel Jesus ayaa goolka guusha u dhaliyey Manchester City Daqiiqadii 77aad, isaga oo shabaqa ku hubsaday kubbad uu ka helay Bernardo Silva, taas oo uu dhulka ugu sii dhuftay Navas, shabaqiisana u dhaafiyey.

Manchester City ayay guushu ku raacday 2-1, hase yeeshee labada kooxoodba waxay usoo gudbeen wareegga 16ka, waxaase kaalinta koowaad fadhida Man City oo leh 12 dhibcood, halka PSG ay ka haysato 8 dhibcood.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here