AC Milan Weeraryahankeeda Rafael Leao ayaa iska diiday xiisaha uga imaanaya Manchester City osagoo heshiis cusub oo waqti dheer u saxiixaya Ac Milan.

22-sano jirkaan ayaa noqday ciyaaryahan muhiim u ah kooxda koowaad ee Rossoneri xilli ciyaareedkan, isagoo ciyaaray dhammaan 17-kii kulan ee tartamada oo dhan isagoo dhaliyay shan gool sidoo kalena caawiyay labo kale.

Qaab ciyaareedka cajiibka ah ee Leao ayaa lagu abaalmariyay in loogu yeeray xulka qaranka Portugal bishii October, waxaana u soo bixitaankiisa koox iyo wadanba ay soo jiiteen indhaha kooxo badan oo Yurub ah.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Sida laga soo xigtay Calciomercato , Man City ayaa hogaamineysa tartanka loogu jiro saxiixa Leao, si kastaba weeraryahanka ayaa diyaar u ah inuu diido xiisaha kooxda Pep Guardiola oo uu mustaqbalkiisa u hibeeyo Milan.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in weeraryahanka uu ku dhow yahay inuu heshiis cusub oo afar sano iyo bar ah la galo Rossoneri, waxaana lagu wadaa inuu arko mushaarkiisa sanadlaha ah seddex jibaaran oo gaarsiisan €4m.

Wakiilka Leao ee Jorge Mendes – oo haatan ku lug leh wada xaajoodka Milan – ayaa sidoo kale matalaya seddexda ciyaaryahan ee reer Portugal Joao Cancelo , Ruben Dias iyo Bernardo Silva , iyo sidoo kale weeraryahanka Manchester United Cristiano Ronaldo .

Tan iyo markii uu Milan kaga soo biiray Lille 2019, Leao waxa uu Milan u saftay 90 kulan tartamada oo dhan, isagoo u dhaliyay 18 gool, caawiyeyna 11 kale.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here