Kooxaha Premier League ku xafiiltamaan ee Manchester United iyo Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay Qorsheenayaan saxiixo xidiga Sevilla Youssef Ceyn Nesyri bisha January.

24-sano jirkaan oo la dhibtoonayay dhaawacyo ilaa haatan ololahan, ayaa xilli ciyaareedkii hore ku riyaaqay gooldhalinta kooxdiisa, isagoo 24 jeer shabaqa soo taabtay 52 kulan oo uu u saftay Los Palanganas.

Sida laga soo xigtay Fichajes , Man United, Man City iyo West Ham United waa seddex kooxood oo Premier League ah oo muujiyay xiisaha ay u qabaan saxiixa En-Nesyri, kaasoo lagu qiimeeyo 50 milyan euro (£ 42m).

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Hammers ay dalab 35 milyan oo Yuuro ah (£29.4m) ka soo diiday Sevilla oo ay ku doonaysay xiddiga heerka caalami ee dalka Morocco suuqii jiilaalka ee xilli ciyaareedkii hore, laakiin waxay ka fiirsan doonaan inay dalab labaad soo gudbiyaan January 2022 iyagoo sii wada raadinta weeraryahan dhexe. si loo siiyo tartan badan Michail Antonio .

Dhanka United iyo City, labada kooxood ayaa doonaya inay ku qoraan weeraryahan mid ka mid ah suuqa kala iibsiga ee soo socda oo ay u arkaan saxiixa suurtagalka ah ee En-Nesyri inuu yahay beddel ka jaban Erling Braut Haaland ama Harry Kane .

En-Nesyri, oo Sevilla kaga soo biiray Leganes bishii Janaayo 2020, waxa uu heshiiskiisa ku egyahay Liga ilaa Juun 2025

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here