Photo/Reuters

Mauricio Pochettino ayaa lagu soo waramayaa in uu durba aqoonsaday labada xiddig ee ugu horeeya ee uu doonayo in uu keeno Man United inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga dambe.

Macalinka reer Argentine ayaa la aaminsan yahay in uu yahay dooqa 1-aad ee Man United si uu ugu badalo Ole Gunnar Solskjaer wakhti dheer, laakiin kooxda waa in ay sugaan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan si ay u keenaan Old Trafford tababaraha kooxda Paris Saint-Germain .

Sida laga soo xigtay La Razon , Pochettino ayaa aad u doonaya inuu keeno daafaca Atletico Madrid Kieran Trippier Red Devils ka hor ololaha 2021-22.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Trippier ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu u wareegayo Old Trafford suuqii dhawaa, laakiin Man United ayaa la heshiin waayay Atletico oo ku aadan qiimaha suuqa kala iibsiga.

Dhanka kale, Pochettino ayaa la sheegay inuu isha ku hayo inuu heshiis la gaaro daafaca dhexe ee Sevilla Jules Kounde , kaasoo lala xiriirinayay Chelsea xagaagii.

Sevilla ayaa lagu xamanayaa inaysan inaysan iibinee  xiddiga reer France bisha Janaayo laakiin waxay u ogolaan kartaa inuu baxo inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga soo aadan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: laacib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here